120-arday oo ka qalinjebisay Machadka Farsamada Gacanta ee Bosaso iyo qalab la gudoonsiiyay+Sawiro & Dhagaysi
February 17, 2013 // Warar Somaali
Xaflad wayn oo kadhacday machadka farsamada gacanta ee Boosaaso BTVC ayaa shahaadooyin kale duwan lagu gudoonsiiyay 120- arday oo sanadkan ka qalinjebisay machadka.
Ardayda ayaa ka qalinjebisay farsamooyinka gacanta oo kala ah dabka (Electricity), Makaanik (Auto Machanic) iyo Office Management (maamulka).
Xafladda ayaa qalab ay ku shaqaystaan lagu gudoonsiiyay 42- arday oo ka aqalin jebisay qaybaha xirfadaha ee makaanikada iyo dabka.
Maxamed Jaamac oo ka mid ah macalimiinta machadka oo ugu horayn xafladda kahadlay ayaa sheegay qalabka in loogu talagay inay ku shaqaystaan dhalinyarada xirfadaha bartay oo ay ka faa’iidasyataan.
Waxaa uu sheegay qalabka inuu muhiimad gaar ah u leeyahay ardayda xirfadaha bartay loogana baahanyahay inay xifdiyaan oo ay suuqa u iibgayn.
“Anagu Soomaali baynu nahay 90% waxaan dhaqan u leenahay waxa yar ee inala siiyo inaan iibino oo waxaa laga jecelyahay xoogaa yar oo kaash ah, laakiin kaashka waxba kuu sheegi maayo waa uu kaa baxayaa laakiin qalabka waxaa uu anfacayaa shaqadaada” ayuu kula dardaarmay Maxamed Jaamac ardaydii qalabka la gudoonsiiyay.
Dhagayso Maxamed Jaamac
Sarkaal katirsan hay’adda Care International oo iyadu qalabka ugu deeqday ardayda farsamada dhamaysatay ayaa hadal kajeediyay xafladda.
“Qofkasta oo waxbarta dalka waxaa uu kusoo siyaasidinayaa nabad, hormar, xirfaddana waa waxa la isku dhaafay oo heer sare kaga jira caalamka” ayuu sheegay Cartan oo u hadlay Hay’adda Care International.
Dhagayso Cartan oo u hadlay CAREINTERNATIONAL

Maxamed Cabdiwahaab oo kasocday wasaaradda waxbarshada ee Puntland ayaa isaguna ka hadlay xafladda qalin jebitna, isagoo mahadcelin gaar ah ujeediyay hay’adda Care International oo qalabaysay ardayda xirfadaha baratay si ay ugu shaqaystaan, baahiyahooda dhaqaalena ay ku daboolaan.
Waxaa uu sheegay Maxamed wasaaradda inay soo dhoweynayso waxbarshada xirfadda ee uu bixiyo machadka farsamada ee Bosaso.
Axmed Yuusuf ayaa u hadlay ardayda ka qalinjebisay qaybta korontada ee machadka’
“Halkaan waxaa kusoo qaadanay sagaal bilood oo tababar korontada ah, runtii waxaa imi anigoon xirfad lahayn, waxaana ka baxay anigoo leh xirfad aan ku shaqaysto ilaah mahadii hadafkeygii waan ku guulaystay oo maanta waxaan gaaray isku filnaan” ayuu Axmed Yuusuf.
Faa’izo oo ka mid ahayd ardayda baratay xirfadaha ayaa haweenka kula dardaarantay inay ka faa’iidaystaan xirdafaha laga baranayo machadka.
“Haweenka waxaan kula talainayaa xirfadda inay bartaan dabka si carruurtooda iyo ehelkooduba uga badbaadshaan shilalka koronto ee kadhashay guryaha” ayay tiri Faa’izo oo ka mid ahayd ardaydii tababarka dhamaysatay.
Dhagayso Dareenkii Ardayda
70- arday oo qaybta Office Management ee machadka dhamaysatay ayaa iyaguna ku biiri doona jaamacaha dalka iyadoo waxbarshada machadka uu bixinayay ay ahayd lacag la’aan.
Machadka Farsamada Gacanta ee Bosaso ayaa la aasaasay 1995-kii waxaana dhisay oo qalabeeyay Islamic Bank sanadkii 2002-dii iyadoo ay maalgalinayeen hay’adaha QM iyo EDC.
Tan iyo markii machadka la aasaasay ayaa waxaa siweyn uu daboolay baahiyaha dhalinyaro rag iyo dumar ka kooban oo aan horay u helin fursado ay ku bartaan xirfado, awoodna u lahayn inay soo iibsadaan qalabka lagu shaqaysto, waxaana tani ay keentay in dhalinyaro badan ay gaaraan heer isku filnaadaan oo ay doobaal baahiyaha qoyskooda.


Machadka ayaa waxaa ka qalinjebiyay ilaa 4000- oo arday oo isugu jirta rag iyo dumar, machadka oo hoostaga wasaaradda waxbarshada ee Puntland ayaa lagu bartaa xirfadaha farsamada gacata ee rag iyo dumar.
Puntland-News24















mansha alah waxa mah,ed leh ilah kadib waxan u mahdinaya mamulka iyo macalimiiunta ku hawlan inay dadkoda wax baran waliba xirfad calamka waxa la isku dhafay xiliga lagu jiro hada wa xirfadaha sida loo kala badsho qoffba qofka kale uu ka badsho xirfada waa ka hormara wada hatan hormaray waxy ku hormareen waa xirfada marka somalida waxan kula dardarmaya inay ku dadalan xirfada barashadeeda
Africa Oil – Somalia,DiscloseTruthTV
17th Feb
http://www.directorstalk.com/?s=africa+oil