14-guuradii Puntland oo si weyn sanadkan looga xusay dalka Uganda [sawiro]

August 30, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Waxaa dalka Uganda gaar ahaan magaaladda Kampala lagu qabtay xaflad aad u qurux badan oo lagu xusayey sanad guuradii 14 ee asaaska dowladda puntland, Xafladaas oo ka dhacday hoolka Caalamiga ah ee Wonder World “Ex. Didis World”. xafladdan ayey ahayd in la qaybto 01-da August waxaase dib u dhigey bishii barakaysneyd ee Ramadan.

Xafladda ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Ardayda Reer Puntland ee ku nool wadanka Uganda, isla markaasna ay wakhti ku bixiyeen hirgalinteeda ururkaas.

Waxaa goob joog ka ahaa  Gudoomiyaha Ardayda reer Puntland ee Uganda mudane  Axmed Maxamud Sacid Qasiir
iyo weliba Madaxda Ururadda ardayda Jaamacadaha dalka Uganda, iyadda oo uu ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Bari Abdisamed Galan oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda.

sidoo kale diplomacy fatuuro,  arday ganacsao hooyooyin iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Uganda oo tiro ahan gareyey 2000 oo ruux. kuwaas oo ay dhaqan u tahay in ay isku duubnaadaan isla markaana kawada qaybqaataan hawlaha wadareed ee u wada yaala.

waxan marti sharftii halkas ka soo qayb gashay ay ku maqsuuden qabkii lo soo agasimey xafladda iyo hoolki quruxday badna ee lagu dhigay xafladda Sidoo kale waxa laqabtay koob kubada cagta ah oo loo qabtay ardayda jaamacadaha ay kala dhigtaan sida KIU , KU, Cavendhish, ST lowrence, International health science iyo kuwa kaleoo lagu maamuusayay sanadguurada 14 aad ee dawlada goboleedka Puntland final kiina waxaa isugu soo baxay KIU iyo ST Lawrence halka Koobkii ay qaaday Kooxdii kasocotay KIU.

Xafladda lagu maamusayey 14 guuradii Aasaaskii Dowladda Puntland halkaaso oo uu xiriiriye ka ahaa Md. Ahmed Abdirizak Abshir “Garweyne”, waxaana ugu horeyntii aayado qur’aan ku furey Shiikh Ahmed Abdinasir.

Waxaa khudbadii furitaanka qaatey Gudoomiyaham Guddigii Qaban Qabadda Saadiq Lafoole oo ka sheekeeyey qaabkii lasoo abaabulay manaasabadan qiimaha leh iyo howlaha ay u so mareen agaasimadda munasabadan, sidoo kalena ka mahad celiyay cid alle iyo cidii kaqeyb qaadatay xaflada, gaar ahaan Mandela iyo Hared Company.

Gabay ku aadanaa munaasabadda 14 guurada Puntland ayaa waxa xafladda ka jeediyey Abwaan Cabdi Cali Qowlee waxaa kale oo xaflada lagu soo bandhigay riwaayad aad iyo aad u qosol badan oo lamagc baxday CILMI iyo DHALASHO, riwayada waxay ku saab sanayd horumarka Puntland iyo waxyaabihii ay soo martay, waxaana iyana meesha ka marnayn majaajilo qosol badnayd.

Zamzam Maxamud Zabriye oo ka tirsan Ardayda Masterka ka diyaarineysa dalka ayaa ka mdi ahaaheyd dadkii meesha ka hadlay iyadda oo muujisay sida muhiim ay u tahay in ardayda ay ku dadaalaan waxbarshadda.

Cabdirisaq Shire oo ka tirsan ardayda dalkan wax ka barta ayaa dhankiisa waxa uu u jeediyey ardayda in aysan marna ku mashquulin howlo aan aheyn waxbarshadda ee ay hadafkooda ay ka meel gaaraan.

Mama Qaali Cismaan oo halkas hadalo qiime leh ka jeedisay una hambalyeysan shacabka reer Puntland, waxaa isna Khadka telefoonka kaga soo qayb galay Wasiir Diinta iyo Awqabfta Puntland asagoo halkas hambalyo uso mariyey bulsha puntland ee ku nool wadanka Uganda aad na uga mahad celyey sida uu isugu duuban yihiin.

Md Axmed maxamud saciid Qasiir Gudoomiyaha Ardayda Puntland ee Uganda khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa jeediyey, waxa uuna ugu horayn mahadcelin usoo jeediyey guddigii qaban qaabada iyo ee soo qaban qaabiyay qurxiyayna iyo dhmanaan ganacsatadii iyo ardaydii iyo maamooyinki ka geysatay gacanta qabsoomida xafladaaan.

Intaa kadib  wuxu sidoo kale u mahadceliyay G/gobolka Bari Mr Gallan iyo dhamanaan dadweynihii kasoo qaybgalay xafladda isagoo walibana ugu hambalyey xuska maalintaan qiimaha leh, Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ka hadlay xaalda ardayda ee Uganda oo uu sheegay inay yihiin ardayda isku xiran wax barashadoona aad u wanaagsan tahay.

Mr Qasiir wuxuu kale u kahadlay sidda ay muhiim u tahay in ay ardaydu ka faa’iidaystaan wakhtigooda ayna ku hamiyaan sidii intay dalka dib ugu noqdaan uga faa’iideeyaan aqoontooda.

Intaas kadibna  Guduumiyuhuu wuxuu haddalka kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Galan, oo munasabada guest of honor ahaa  , mateleyna magaca dowladda.ayaa kazoo jeediyay khudbad aad iyo aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa waxa uu aad uga mahad celiyay ururka ardayda xafladaan qiimaha leh ay qabteen intaa kadib wuxuu ka hadlay asaaskii Puntland iyo marxaldihii adkaa ay soo martay iyo hadda dadaalkii waagaa lo galay in mirihisii hadda lagu ranayo.

Galan ayaa muujiyey in dalka maantay u baahan yahay dhalinyaradda wax bartay in ay dib ugu soo laabtaan si ay uga shaqeeyaan horumarka Puntland, iyo weliba in ay dadkooda aqoonta u gaarsiiyaan.

Waxaana ugu dambeyntii shahaadooyin la gudoonsiiyey qaban qaabiyeyaasha xafladda iyo weliba qaar ka mid ah marti sharaftii ka soo qeyb gashay.

Warbixintaan waxaa PN24 soo gaarsiiyey
Ururka Ardayda Puntland ee Ugandha
punsan.ug@gmail.com

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Reer Kampala says:

    Maasha Allaah reer Puntland midnima laga rabaa meel walba oo aad joogtaan

Leave a Reply