Raisulwasaarihii Hore Oo Loo Magacaabay Safiirka Somalia Ee USA isagoona La Kulmi Doona Obama & Kerry

Dowladda Somalia ayaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacowday inuu noqdo danjiraha Somalia ee dalka Mareykanka, iyadoo Mareykanku uu soo dhaweeyay magacaabiddiisa.

t1larg.sharmarke.afp.gi 

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fariisanaya dalka Mareykanka ayaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Washington kula kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, halka maalinta Isniinta ah ee soo socotana uu la kulmi doono madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Kulanka madaxweynaha Mareykanka iyo danjiraha Somalia ee Mareykanka ayaa ka dhici doona Aqalka Cad, waxaana kulanan looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay danjire rasmi ah u magacowdo dalka Mareyanka muddo laga joogo 23-sano, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya.

PN-24

 

Comments

  1. Baashane says

    Waan soo dhoweynayaa Magacaabista loo magacaabey R/Hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya,DR:Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo uu madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Prof : Xasan shiikh Maxamuud uu u-magacaabey Safiirka Soomaaliya u fadhin-doona wadanka Maraykanka.Waxaana muuqata in Dawladda Federaalku ay Albaabada u furtey Aqoon-yahanka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya,si looga faa’iideysto Aqoonta ku duugan walow? ay waran wadnaha kaga dhufan-doonto arintaani kuwa shaqada iyo camalka ka dhigtay kala geynta iyo kala guridda shacabka Soomaaliyeed.

  2. Mohamed seyroon says

    Siweeyn ayaan u soo dhoweynayaa danjiraha cusub ee loo magacaabay safaarada somalida ee maraykanka danjire Dr:Cumar Cumar C/rashiid Cali Sharmarke

  3. CumerGeri says

    Far kaliyi fool ma dhaqdo, inkasta oo aqoonyahan cumar cabdirashiid cali sharmaarke yahay aqoon yahan weyn oo somalinimadu ku wayntahay, hadana siyaadada MR xasan sheekh uu dalku ku wado iyo rajo xumada uu tusay madaxweyne xasan sheekh maxamuud ma aha mid uu wax ka badali karo Cumar cabdirashiid.

    maraykanka waa laga og yahay in dowlada MR XASAN SHEEKH ay tahay mid dalka dib u reebtay marka waxan odhan lahaa , cumar cabdirashiidow shaadhka ha iska wasakheyn ee ka tanaasul masuuliyadaa , dowlada dhexe ee mudada ay hada joogtay nabad ka dhigi lah madaxtooyada iska daa xamare wax la difaaco maaha.

    jale mr xasan sheekh is casil dalka wad la ladhee , waanad fogaysay xidhiidhkii dowlada dhexe iyo federalka . iska daa nabad aad somali u keentee colaadii baad sii badisay.

    dalku wuxu u baahan yahay leaders hanan kara dib u dhisi kara , samayna kara dib u heshiisiin qaran sidii ka dhacday RWANADA IYO SOUTAFRICA

    THE ONLY SOLUTION IN SOMALIA RIGHT NOW IS LEADERSHIP CHANGE.. the president mr hasan sheekh must be impeached in front of the parliament.

    we say loudly RESIGN MR PRESIDENT YOUR LEADERSHIP HAS FAILED IN EVERY SINGLE ASPECT … SO RESIGN… NA DHAAF

    By Cumargerikombe

  4. ciise maxmuud waamo says

    Baashane
    ninkani qabiil bukadhashay hadusan cawin
    qabiilkisa waa naag mida kale ina ali sharmake waa nin kablalax ah qabiilka bariga afrika ugubadan maxaa diidi inuu dadkiisa wax uqabto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *