Ciidamada Taraafikada oo bilaabay inay hub qaataan si ay isagu difaacaan

Ciidama ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa bilaabay inay qaataan hub ay isaga difaacaan maleeshiyaad hoostaga Shabaab oo beegsi ku haya Taraafikada.

taraafikada

Qaar ka mid ah Taraafikada ayaa haatan bilaabay inay hubka qaataan, waxaana wadooyinka iyo isgooysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku arkeysaa Taraafiko sito hub oo baabuurta kala hagayo.

Arintaan ayaa ka dambeyso kadib marki ciidamada Taraafikada ay naftooda u cabsadeen,waxaana dhowaan ay Shabaab ka dileen dhowr askari.

Taliyaha ciidama ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inaysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay shaqooyinkooda, amni darrada iyo beegsiga Taraafikada.

Waxa uu sheegay Cali Gaab inay ku shaqeeyn doonaan hadba marxaladda dalka, hadi amniga dalka wanaagsanaado ay bilaa hub shaqeynayaan, lakin inta amniga laga xaqiijinayo inay ku shaqeeynayaan iyagoo hubka sita.

Qaar ka mid ah ciidamada Taraafikada ayaa warbaahinta u sheegay in ay dadka qaar ay ku diidan yihiin weeydiinta shatiga leeysinka ee gaariga lagu kaxeeyo, waxaana sidoo kale Taraafikada ilaalo ka haayo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay ahayd marki ay Shabaab sheegtay inay beegsan doonaan ciidamada Taraafikada oo ay ka dileen ilaa afar askari.

Comments

  1. cumarGeri says

    Waa nasiib daro

    in Hogaank maaantu aanu wali famin habka loo soo afjaro dagal sokeeye. Hadii qori wax tari lahaa manta xamar waxa jooga 20 kun oo amisom ahiyo 15 kun oo cida somaliyed ah.

    xal ma keenayso trafiko qori la siiyo. sida dunida la ogyahay ka dib xoog milateri iyo dagaal waa in la helaa wada hadal iyo soo af jar dagaalka.

    xukunka manta oo xataa caruurta somaliyed manta og tahay in uu yahay wax ma qabte ayaa waxa is weydiin mudin mudane Xasan sheikh HOW LONG WILL HE FOOL THE WHOLE NATION EVEN HIS OWN CITY

    Xamar manta xataa waxaba badan qaxootiga dul degan ee gaajo ku dilayso duleedka xamar, waxa ka daran inta badaaha ku dhimanaysa , iskaba daa inta kufsi iyo cudur iyo dhibaato la idaran, inta hooyo somaliyed caruurteedii gaajo iyo codlaad ka seexanayaa.

    Damiir laawe xasan sheikh ma arkayo waxas o dhan miya. shalay markuu lahaa Madaxtooyada ka qixi maayo ee uu la tirsanayey alshabaab …. Bal u fiirso Xataaa ilaaladii Madaxtooyada ee meesha ku dhimatay ma odhan ALA HA U NAXARIISTO EEHELADODIN SAMIR IYO IMAN HA SIIYO .. …. KALIYA WAXA LAG HAYA WAN NABAD QABAAA GURIGAYGAAN JOOGAA, QIXI MAAY!!!!!

    WAXAN U SHEEGAYNAA UMADA SOMALIYED , INTERNATIONAL COMMUNITY IN MAXADWEYNAHA MAANTU XATAA UU FOGEEYEY XIDHIDHKII FEDERAL STATES KA IYO DOWLADA DHEXE , in uu rajo laan dalkii ka dhigay,

    THIS PRESIDENT SHOULD BE KICKED OUT .. THE SOONER THE BETTER. WE CAN NOT E A HOSTAGE A PRESIDENT WHO IS LIKE A HOUSE AREST ,

    FROM ADAN CADE , CRASIIDH CALI SHARMARKWE , SIYADBARE, CABDIQASIM, CALMAHDI, CLAAHI YUSUF, SHEEKH SHARIIF , WE NEVER HAD A FOOL PRESIDENT LIKE THIS ONE.

    HE IS JUST SMILLING WHAT EVER HAPPENS

    Miyaanu ogeyn in ilaahay kala xisaabtami doono wax qabad laanta, iyo baabi inta rajada umada.

    mr xasan sheikh na dhaaf adeer
    dalkii ku celisay casru jaahil
    umadii kala fogeysay
    rajo laan

    Halkuu umada somaliyed u sheegi lahaa DHAWAAN DHIBKA WAA LAGABIXI EE UU RAJO GELIN LAHAA BUU MADAXTOOYADA MAALIN WALBA LAGU QARXINAYAA. WAAR TANOO KAE

    BYE BYE MR XASAN SHEEKH , THE WORSE PRESIDENT EVER!!! RESIGN, NA DHAAF

  2. Garyaqaan says

    xaqsoor , xeerin, cadaalad, korin umad , nabad keened , kala dambeyn, wadaninimo, intaba laga waa dowlada xasan sheikh.

    shacabkuna waa daalay. marka yaa u maqan somaliya.

    waxa ay ila tahay in si deg deg ah loo qabto shirwayne qaban oo ay soo qaban qabiyaan dowlad gobleedyada aad hada moodo in ay ku sii hadhay somaliniadii iyo kala danbeyntii

    waxa naga talo ah in Puntland state of somaliya qabato shirweyne qaran oo ay ka soo qayb galaan jubbaland, galmudug, xubin iyo xeeb iyo waxgaradka somaliyed taas oo lagaga arinsanayo Dowlada fadhiidka ah ee mooday in somaliya ay tahay XAMAR OO kalaiya taas oo xataa madaxtoyadii iyo meeshi ay deganaayeen madaxweynaha iyo wasiiradu ka dhigi lah aman. taas kama sugayno in ay somaliya oo dhan nabadayso.

    waa in madaxweynaha dalka lagu qaado IMPEACHMENT looguna baaqaa in uu xilka iskaga dego isaga oo waliba ay fiicnaan lahayd in maxkamad lagu soo taago maamulxumadii iyo raja xumadii uu dalka geliyey isaga oo waliba haysta aqoonsiga dunida.

    Somalia needs a change of leadership, the sooner the better

    ma u malaynayo in waxa dowladan xamar joogta ay wax soo kordhin karto, waxaba ay dib u sii dhigtay jaradii yarayd ee la soo dhoob dhoobay.

    Marka ha la soo dedejiya is casilaada dowlada mr xasan sheikh. cid kasta oo timaadaa way dhaami doonta , ninkan aan lahayn hadaf iyo aragti uu Somali meel ku geeyo.

    bal u fiirso JKF BAA barighii ruushku ka dhereeyey maraykan xaga tagida dayaxa iyo space ka yidhi

    THIS NATION MUST SEND A MAN TO THE MOON AND RETURN HIM SAFELY.. runtii markaa markaykan ma awoodin in uu arintaa sameeyo , waxayse noqotay hadaf uu hiigsado kana meel gaadhay.

    bal yaa shegi kara madaxweynaha oo rajo iyo farxad geliyey umada, inuu ceeb u soo jiido mooyo. marka Somali kama sugayso waxba ninkan naftiisa u liita

    the president mr hasan sheikh must resign immediately, the longer he stay , the more suffering gets Somali nation

    na dhaaf mr rajo xume xasan sheekh

  3. warsame khalaf says

    Harti Abgaal , ma Geelayda Hartida ayey xariir la lahaan jirin.

    Sidee ayey ku noqdeen Harti Dagaal.

    Sidee nikii Umadda lagu aaminay uyahay mid dilal heer saraa oo qarsoon mid amra oo dambeeya .

    Sidee waxyaalahaan aan laqaadan karin uyimaadeen .

  4. asia ali says

    brothers, all i see here is everyone blaming hassan sheik!!!!!!! one person can not bring peace to your country. you have to work with him walal. unity is what somalia needs and real nationalists. where are they today???? no real nationalists. somalis have to unite their word before blaming a one man. citizens and the government should work togather to kick alshabab out of their country.
    w lilahy altawfiiiiq

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *