[Sawiro]Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee Birmingham oo soo dhaweeyey Wasiirka Duulista Hawada Puntland Ing Xasan Xaaji Siciid

Kulankaan oo ahaa afur wadareed ay  soo diyaariyeen Jaaliyaddaha Puntland iyo Jubaland ee wadanka UK, gaar ahaan caasimada Labaad ee Birmingham  laguna soo dhawaynayey   Wasiirka Wasaaradada Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland  Ing Xasan Xaaji Siciid ayaa  waxaa ka soo qayb galay qaybaha Kala duwan ee Jaaliyadaha Mataanaha ah ee Puntland iyo Jubaland.

Wasiirka Duulista Hawadda Iyo Garoomada Puntland  ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyey isla markaasna jaaliyadaha  ku amaanay siday isugu xiranyihiin wadankoodiina maanka ugu hayaan isagoo hoosta ka xariiqay  muhiimada ay Puntland Iyo Jubaland ba u leedahay isku xirnaanta Jaaliyadaha Debadda iyo waliba xiriirka joogta ah ee ay la leeyihiin Wadanka Gudihiisa.

Munade Xasan Xaaji Siciid  ayaa  ku dheeraaday qorshaha cusub ee siyaasada Puntland isagoo sheegay in ay Puntland qaadatay siyaasad ku salaysan wadatashi iyo isla xisaabtay  ayna ka go antahay in la hirgaliyey.

Wasiirka ayaa sheegay in qorsha cusub ee Dawlada Puntland qaadatay awooda la saarayo in kor loo qaado dayactirka kaabayaasha Dhaqaalaha, sida Garoomada, Dekadaha, iyo Wadooyinka Puntland.

Waad la socotaan in Garoonkii Bossaso hawshiisii bilaabatay  garoomadii kale na way ku xigaan ayaan yiri mudane xaaji. wuxuuna qurba-joogta Puntland ugu Bishaareeyey  in  mudo sanad gudihiis ah  Puntland  laga hirgalin  doona Garoomo diyaaradeed caalami ah,

Masuuliyiin kala duwan ee ku hadashay magaca Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ayaa si isku mid ah u sheegay in  ay aad ugu faraxsanyihiin imaatin ka wasiirka ee Uk iyo waliba warbixinta waafiga ah ee uu ka siiyey qorshaha Puntlandta cusub.

Waxaa kaloo jirta Xaflad aad u weyn oo ay Soo Qaban qaabiyeen  Jaaliyada Puntland iyo Jubaland oo lagu soo dhowaynaayo Wasiirka  kana  dhicidoonta Magaalada  London  Goordhow Filo Goobta iyo waqtiga

Xafiiska warbaahinta ee Jaaliyadaha

Puntland iyo Jubaland

Birmingham, UK

Comments

  1. says

    Maa shaa alaa ima hurayno ooo isma dhafno gudaha iyo dibada reer puntland matankayaga rer juba meelwalboo aadjoogtaan istaageera
    Oo isgacanqabta ok waseerkayaga hore iyo midka dambe waasalaamayaa
    Shaqafiicm ayy noohayaan marka waxan leyahy guul guul iyo is taagerta
    Waligiin

  2. says

    Maashaa Allaah waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan maanta arko dadkii u dhashay Qardho ee Punt land gacanta ku hayaan hawsha dalkooda ,Ing.Hassan Haaji Saciid Hassan Cadde sidaa ku wad hawsha waana ku mahadsan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *