Madaxweynaha Puntland oo la kulmey saraakiil ka socotey Qaramada Midoobey (Sawiro)

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay xiriiriyha barnaamijka ladagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Alan Cole iyo ku-igeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Francesco.

Kullankaan ayaa waxaa Madaxwaynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku wehliyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada Puntland iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mudadii uu socday shirku ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayen taageeridda Puntland, socodsiinta Xabsiga Garoowe, Dhismaha Xabsiga Gaalkacyo, dhamaystirka iyo dayactirka xabsiga weyn ee Boosaaso,tababarida ciidanka Puntland iyo hagaajinta biyaha Xabsiyada Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa dhankiisa u sharaxay saraakiishaasi uu kulanka la qaatey in Dowladda Puntland ay u baahantahay in laga gacansiiyo Howlahaasi oo idil si Puntland horumar uga samayso halka ay hadda joogto.

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *