Gudoomiyaha ururka UDAD oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay arimaha xisbiyada iyo isbadalkii la filayay inay ku dhaqaaqin [Dhagayso]

Gudoomiyaha-UdadGudoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ahaa ururo siyaasadeedyadii looga dhawaaqay Puntland sanadkii hore ee lagu waday inay ka qaybgalaan tartankii doorashooyinkii nidaamka xisbiyada ee Puntland ayaa ka hadlay siyaasadda xukuumadda madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo qodobo uu ku dhaliilay inay ka gaabisay.

Siciid Faarax ayaa shir karaa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe caasimadda dowladda Puntland waxaa uu ugu horayntii sheegay xukuumadda jirta sideedii bilood ee lasoo dhaafay inuu soo celin hirgalinta dimuqraadiyeenta oo horay ay u balanqaaday inay ku bilaabi doonto lix bilood gudahood.

Waxaa uu sheegay inaanay muuqan door xukuumadda madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay ka qaadanayso doorashooyinka sanadka 2016ka ee dalka Soomaaliya kusoo fool leh , isagoo ku tilmaamay xukuumadda Puntland inay wali cadaynin mowqofkoodda rasmiga ee doorashooyinkaasi, isagoona dhanka kalle ku amaanay xukuumadda faderaalka hamiga ay ka leedahay in doorashooyin cadaalad ahi ay dalka kadhacdo.

Waxaa uu ku dhaliilay hanti dhowrka Puntland inuu diinwaan galin hantida masuuliyiinta dowladda Puntland, si masuuliyiinta loogula xisaabtamo hantida musuqmaasuq hadii uu yimaado xilka marka ay ka dagaan kadib iyo ka horba.

Mudane Siciid Faarax oo soo hadal qaaday maamulka loo samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Puntland looga baahnaa markii hore inay samayso kahor tag, isagoo soo bandhigay qoraal uu ku cadaynayay  muranka hadda jira oo uu sheegay kol hore talooyin inay kasoo saareen.

Mar uu ka hadlayay arimaha dhaqaalaha ee Puntland ayaa waxaa uu sheegay hamiga ay ku qabeen isbadalka inay ahayd wasiiro kooban iyo dhaqaalaha oo kor loo soo qaado, balse isbadalka looga baahanyahay qaladaadkii horey u jiray inuu saxo , waxaana tusaalle usoo qaatay canshuur qaadista Puntland ka jirta oo uu ku tilmaamay mid aan hormar laga gaarin iyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda oo dhowr bilood aan la bixin.

Halkaan ka dhagayso shirka jara’id

Puntland-News24

Garoowe.