Madaxweyne Gaas oo Addis Ababa kula shiraya Midowga Yurub, IGAD iyo beesha caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wali ku sugan dalka Itoobiya gaar ahaana magaalada Addis Ababa,waxaana halka ku soo dhaweeyey mas’uuliyin ka tirsan dalka.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku weheliya wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Saadiq Eenow, Xildhibaan Siciid Lugood iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntaland.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa masuuliyiinta Dawlada Ethiopia, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Madaxweynaha oo mudo saddex maalmood ah ku suganaan doona caasimada Dalka Itoobiya ee Addis-Ababa ayaa waxaa uu sidookale la kulmi doonaa Ha’yado caalami ah iyo Ururada Samafalka ee Saldhigoodu yahay Magaalada Addis-Ababa, kuwaasi oo uu kala hadli doono harumarinta arimaha bulshada iyo sidii wax loola qaban lahaa shacabka reer Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa, Jaaliyada Puntland iyo masuuliyiinta Jaaliyada Puntland ee dalkaasi Itoobiya, kuwaasi oo uu uga xogwarami doono xaaldu guud ee Puntland.

640x360x20140822_121841.jpg.pagespeed.ic.gXQrgFbbqN640x360x20140822_121549.jpg.pagespeed.ic.KoYQFp3WKuimage-880b28d5f8f808328c6c51feca7276d1e4e7dd12966bd5e00548808ac97e90d5-V

Puntland-News24.com

Comments

  1. Ali says

    Thank you President Gaas for your courage, Thank you for your unwavering leadership, Thank you for your vision. @ May Allah bless Puntland and Somalia

  2. says

    waxaan halkakan aga soo gudbinayaa ,dowladda iyo madaxa dowladda .iyo shacabwaynaha puntland tahniad iyo boogaadin iyo taageero aan ku soo taageeraayo siyaasada xakiimka ah oo ay ku dhaqmayaan ilaahna uu salasonaysiiyay go aamada ay ka qaateen oo ay ku cabireen rabitaan kooda dhexdhexaadka ah oo ay ku dalbayaan xaqooda ayagoo masuuliyad wadaninimo ah muujiyay,noolaada waligiin puntland iyo umadeedana ha noolaato ,somaaliyana iyo umaddeedana hanoolaato dhibaatooyinka iyo colaadahana ilaah ha idanka qaado xaqana ilaah ha idan tuso qalbadiinana wadaniyad ilaah ka ku beero ee noo soo celiya wanaagi iyo sharafki somaaliyeed khayraadka dhulkeenana aga faa iideeya dalka iyo dadkiisa .
    mahadsanidin guulaysta waligiin.

    Abdalla.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *