Guddoomiyaha degmada Iskushuban oo ka waramey shaqaaqadii ka dhacdey Iskushuban [Dhegayso]

Guddoomiyaha degmada Iskushuban Cabdirisaaq Muuse Cartan
Guddoomiyaha degmada Iskushuban Cabdirisaaq Muuse Cartan

Guddoomiyaha degmada Iskushuban Cabdirisaaq Muuse Cartan  oo La hadlay Warbaahinta ugana waramey shaqaaqo ka taagneyd todobaadkan magaalada Iskushuban ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha degmada Iskushuban Cabdirisaaq Muuse Cartan
Guddoomiyaha degmada Iskushuban Cabdirisaaq Muuse Cartan

Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegey in shaqaaqadu ay ka bilaamatey niman dhuxuleysato ah iyo malayshiyo kale oo diidanaa in ay dhuxul shitaan kuwaas oo ku dagaalamay meel magaalada ka baxsan, iyada oo loo fadhiyo shaqaaqadaas ayaa waxaa magaalada lagu diley laba nin oo kale oo ka tirsanaa ciidanka Dowladda, maalintii Axadda ee shalay

Cabdirisaaq Muuse Cartan ayaa sheegaya in waan-waan socoto oo hadda la sugaayao ergadii Beesha Cismaan Maxamuud oo dib u dhac ku yimid.

Xaaladda magalada ayuu ku tilmaamey mid deggan oo ciidamada amaanku gacanta ku hayaan, lagana saarey dhamaan malayshiyaad beeleedkii. Waxaana magaalada ku sugan guddoomiyaha gobolka Bari iyo taliyaha Qayabta.

Dhegayso Waraysiga Guddoomiyaha oo dhamaystiran isaga oo k bilaabaya xaaladda guud ee magaalada:

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY