Shir looga hadlayo Arimaha Caafimaadka Gobolka karkaar oo Maanta Qardho Lagu qabtay [Sawirro]

Shirkaan oo laga hadlay waxyaabihii laga qabtay Arimaha Caafimaadka guud ahaan degmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka Karkaar lixdii bilood ee la soo dhafay,hormarada laga gaaray,waxyaabaha ka dhiman,baahiyaha ladoonayo in wax laga qabto,iyo warbixino ku saabsan adeegyada Caafimaadka ee ka jira Degmooyinka Gobolka.
Shir_Caafimaad_Qardho (16)
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka,Gudoomiyaha Degmada Qardho,kuxigeynka Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka karkaar,Madaxda MCH-da Qardho,Shaqaalaha Hey’adda Save The Childreen iyo Mas’uuliyiinta Degmooyinka ee Wasaaradda Caafimaadka u fadhiya,waxaana lagu soo bandhigay Warbixino ka hadlay heerka Caafimaad ee ka jira Shanta Degmo oo ka koobanyahay Gobolka karkaar oo kala ah Degmada Waaciye,Qardho,Rako,Bandarbeyla iyo Xaafuun.

Ugu Horeyntii Shirkaani ayaa waxaa furay Agaasimaha Waaxda qorsheynta,Dajinta iyo Hormarinta arimaha Siyaasaaadda ee Wasaaradda Caafimaadka C/risaaq Xasan Ciise oo ka hadlay waxyaabaha shirkaani looga hadlayo ayaa sheegay in Kulankaani yahay mid la qabto Lixdii biloodba mar laguna soo bandhiyo waxqabadka Degmowalbo ay ka qabatay arimaha Caafimadka,waxyaabaha u qabsoomay,iyo waxa ka dhiman maadaama Gobolka karkaar Barnamijyada Caafimaadka ka socdo ay noqdeen Tusaale markii si wanaagsan loogu shaqeeyey  Caafimaadka ay u baahanyihiin Dadweynaha ku nool Gobolka.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ka hadlay kulankaani ayaa soo dhaweeyey Dhammaan martida ka qeybgaleysa Shirka dib loogu eegayo lixdii bilood ee la soo dhaafay waxyaabaha u qabsoomay arimaha Caafimaadka Degmooyinka Gobolka Karkaar,waxa uu Gudoomiyaha Xusay in kulmadaan oo kale ay haboontahay in shacabka ay ka soo qeybgalaan si ay u ogaadaan waxyaabaha laga qabto arimaha Caafimaadka ee ka jira Gobolka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland C/risaaq Xirsi Ciise oo ka hadlay kulankaani ayaa sheegay in Gobolka Karkaar ay ka jiraan 40 xarun oo bixiyo adeegyada Caafimaadka,waxa uu tilmaamay kulankaani in uu yahay Dabagalka,la xisaabtanka iyo Baahinta adeegyada Caafimadka ka jira Gobolka,xoojinta adeegyada Caafimaadka,waxaana arimahaasi ugu weyn in hoos loo dhigo Dhimashada hooyadda iyo Dhallaan in ay u dhintaan arimo Caafimaad darro awgeed,waxa uu u mahadceliyey Dhammaan dadkii ka soo qeybgalay kulanka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland C/llaahi Jaamac Cali ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay dajisay siyaasaddo kor loogu qaadayo Hormarinta adeegyada caafimaadka,si loo gaaro tuulooyinka fog fog lagana baahitiro arimaha Caafimaadka ay downayaan.

Shirkaani ayaa Sanadkiiba waxaa la qabtaa labo mar iyadoo dib u eegis lagu sameeyo Mashariicda Caafimaadka ee ka socda Gobolka Karkaar,waxaana Hey’adda Save The Childreen oo kaa shaneyso Wasaaradda Caafimadka waxa ay Gobolka kawadaa Barnaamij dhanka Caafimaadka,kaasoo si weyn looga faa’iideystay.

Shir_Caafimaad_Qardho (1) Shir_Caafimaad_Qardho (2) Shir_Caafimaad_Qardho (3) Shir_Caafimaad_Qardho (4) Shir_Caafimaad_Qardho (5) Shir_Caafimaad_Qardho (6) Shir_Caafimaad_Qardho (7) Shir_Caafimaad_Qardho (8) Shir_Caafimaad_Qardho (9) Shir_Caafimaad_Qardho (10) Shir_Caafimaad_Qardho (11) Shir_Caafimaad_Qardho (12) Shir_Caafimaad_Qardho (13) Shir_Caafimaad_Qardho (14) Shir_Caafimaad_Qardho (15) Shir_Caafimaad_Qardho (16) Shir_Caafimaad_Qardho (17)

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *