Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maraykanka Barack Obama ayaa Khamiistii shalay kulan gaar ah la yeeshay haweenayda hogaamisa Germany ee Angela Merkel.

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Germany ayaa ka wadahadlayey iskaashiga ka dhaxeeya iyo waliba mustaqlka xiriirka ay sii wada yeelan doonaan.

Obama iyo Merkel ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha ganacsiga ka dhaxeeya Maraykanka iyo Germany, gaar ahaan heshiiskii TPP oo uu sheegay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump inuu ka horimaan doono.

Barack Obama oo wax laga weydiiyey sida uu noqon doono xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Germany marka uu xilka la wareego Trump, Obama ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Madaxweynaha cusub ee Maraykanka uusan khal khal ku keenin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalkooda iyo wadamada ay xulafada yihiin.

Madaxweyne Obama ayaa maanta oo Jimce ah kulan kale la yeelan doona hogaamiyayaasha Midowga Yurub.