Weerar yahanka kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa shaki laga muujiyay inuu taam u noqon karo kulanka kooxdiisu ay u safri doonto Sevilla.

Gonzalo Higuain ayaa xanuun ka dareemaya lugta midig kadib markii ay isku dheceen laacib ka tirsan kooxda Pescara oo sabtidii ay uga adkaadeen 3-0 sida ay baahisay TuttoSport.

Maqnaashaha laacib kaan ee kooxda Juventus ayaa lagayaabaa inuu dhibaato ku noqdo tababare Allegri maadama uu horay u dhaawacnaa Dybala.

Image result for Gonzalo Higuain vs pescara

Laakiin tababaraha ayaa heysta fursad ah inuu ciyaarsiiyo Mario Mandzukic halka Cuadrado iyo Alex Sandro ay ka caawin doonaan garbaha.

Gool FM