Kadib muddo afar sano oo uu xukunka soo hayey Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayey shacabka Soomaaliyeed markale isweydiinayaan in Xasan iyo kooxdiisa Damuljadiid ay markale kusoo noqon doonaan xukunka dalka.

Waxaa hubaal ah in walaac badan uu ka imaanayo musuq maasuqa lagu sameeyey doorashooyinkii labada aqal ee Federaalka Soomaaliya ee soo dooran doona Madaxweynaha mustaqbalka, waxaana isa soo taraya in kooxda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan ay wakhti badan iyo dhaqaalihii ummada loogu talo galay ay labadaba geliyeen sidii ay ku heli lahaayeen awoodda Baarlamaanka si talada ay gacantooda ugu soo noqoto 4ta sano ee kale ee soo socota.

Haddaba maxaa laga filan karaa haddii ay markale xukunka qabtaan  Kooxda loo yaqaan Damuljadiid ee uu Madaxweyne Xasan hogaamiyo?

Si aan tusaale uga qaadano casharadii horey looga bartay 4tii sano ee lasoo dhaafay ficiladii siyaasadeed ee kooxdan waxaa lama huraan ah in dib loogu noqdo Lixdii Tiir ee uu Madaxweyne Xasan halheyska uga dhigay ololihiisii doorashada 2012, kuwaasi oo dhamaantood la aaminsan yahay in ay fashileen.

Balse xasuus kooban hadaan dib u milicsano lixdaasi tiir ayaa kala ahaa:

  1. Xasilinta Dalka
    Waxaa marag  ma doonto ah in dowlada Xasan hogaamiyo si aan shaki ku jirin ugu fashilantay Xasilinta dalka, balse waxaasi taasi kasii daran in sare ay usii kacday dilalka qorsheysan ee siyaasadeed ee lagu khaarajiyey mas’uuliyiin badan oo la tuhunsan yahay dilalkooda inay ka danbeeyeen xubno ku xiran xafiiska dalka ugu sareeya, waxaana mudaddii afarta sano ahayd ee la soo dhaafey la diley Xildhibaanadii abid ugu badnaa ee Soomaali ah kuwaas oo ku dhaw 20 Xildhibaan.

Waxaa dheerayd taas in la xaqiijiyey in kooxda Al shabaab ay hubka ka iibiyaan xubno dowlada ka  tirsan iyo shaqsiyaad ku dhaw Madaxweynaha arrintaasi oo iyaduna aan la oron karin waxay qeyb ka ahayd “Xasilinta dalka”

Hubka ugu badan iyo gawaarida al-Shabaab ay ku dagaalamayaan maanta ayaa ah kii Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si kastaba haku heshee.

  1. Geedi socodka dhismaha dowladnimada
    Dowladda  Damuljadiid 4tii sano ee lasoo dhaafay tilaabo walba oo loo qaado dhismaha dowladnimada waxay gadaal u qaadeysay sadex tilaabo oo kale khal khal lagu gelinayey haykalka dowladnimo.

Tusaalooyin kooban;

Dhismihii Maamulka Jubaland dowlada Xasan dagaal ayey  ku qaaday, dad badan baa ku dhintay khasaaro badana waa uga tagay magaalada Kismaayo.

Dhismihii Maamulka Galmudug. Damuljadiid ayaa sabab u ahayd in ay abuurto colaad ka dhan ah Ururka Ahlu Sunna oo ka arrimisa dhul baaxadleh ee gobalka Galgaduud, colaadaasi oo sababtay in maamulka Galmudug uu noqdo mid fadhiid ah, taasi oo usii sahashay in Al Shabaab ay kusii nagaato gobalada dhexe. Balse damicii Damuljadiid oo ahayd inay maamulkaasi sida ay doonaan u maamushaan ama u musuq maasuqaan waa ay ku guuleysteen, walow ay weli u dhimantay mashruucooda ugu weyn ee ah dib usoo noqoshada doorashada Madaxweynaha 2016-2017.

Dhismihii Maamulka Hirshabeele. Damaca siyaasadeed iyo xagjirnimada Damuljadiid ayaa sabab looga dhigaa diidmadii beelaha gobalka Hiiraan ay kala horyimaadeen dhismaha maamulkaasi, arrintaasi oo dib u dhac xoogleh oo qaadatay 2 sano ku keentay in maamulkaasi la dhiso.

Musuq maasuqa ka dhacay Jowhar iyo waliba Cadaado ee dhanka Doorashada Aqalka Hoose ayaa la oron karaa waxay ahaayeen kuwii ugu xumaa ee illaa iyo hada nasoo maray, walow aan la aqoon in Damuljadiid arrintan u fududeyn doonto guul ay ka gaaraan yoolkooda ugu danbeeya ah ee Doorashada Madaxweynaha.

Ha illaawin intii wakhti iyo dhaqaale uga dhumay Qaranka Soomaaliya khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha iyo Raysalwasaarayaashiisa, maadaama uu xilkooda kula dhagay taasi oo uu muujineysa in Madaxweyne Xasan uu isaguba ugu horeeyo caqabada ah ugu waaweyn ee hortaagan “..Geedi socodka dhismaha dowladnimada…”

  1. Soo noleynta dhaqaalaha dalka,

Dhaqaalaha dalka maaheyn mid sare u kacay, dowladuna inay caqabado ku noqoto dhaqaalaha dalka mooyee haba yaraatee ma abuurin fursado shaqo oo aan ka hayn shirkado gaar loo leeyahay oo si musuq maasuq ah gacanta loogu geliyey dakhligii dalka sida Airporta iyo Dekada Muqdisho.

Khubarada cilmiga dhaqaalaha waxay sheegaan in qaabka noocaan ah ee hantida dalka loogu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay oo ay qaarkood mulkiilayaal ka yihiin xubno kamid ah qoyska Madaxweynaha inay dhaawaca iyo hanti boobka ay u geystaan dhaqaalaha dalka uu ka badnaan doono shaqooyinka kooban ee laga helo.

Marka laga yimaado Koboc Dhaqaale ee yimaada, waxaa si bareer ah Bangiyada loogala baxey lacagtii canshuurta iyada oo lagu beddalanayo lacago faalso ah taas oo wax laga qabtey aysan jirin, cidda ay liugaha la gasheyna ay tahay qaraabada Madaxweynaha.

  1. Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta,

Qodobkan wuxuu lamid yahay kii xasilinta dalka, oo waxayba dadka qaarkiis ku doodayaan in kooxda Damuljadiid marka laga yimaado kooxda Al Shabaab ay yihiin khatarta labaad ee xiligan heysata waddanka Soomaaliya.

Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyadu warkeedba daa, waxaaba dhibaato ka taagan tahay colaada cusub oo ay kooxdan talada heysa ay bilowday oo u baahan wakhti dheer in xal loo helo, tusaalihii ugu danbeeyey: Dagaalkii Galkacyo.

  1. Midnimada iyo wadajirka dalka,

Midnimada iyo Wadajirka waa muhiim balse waxay ku imaan kartaa iyadoo la helo cadaalad iyo sinaan, haddii aysan taasi jirin khilaaf iyo shakiga maaha kuwa baxaya.

Kooxda Damuljadiid ee ku xeeran madaxweyne Xasan Sheekh markii ay talada qabatay fursad waxay u heysatay inay ummada isu soo jiido waxayse ka door biday in danahooda u gaarka ah ay ka hormariyaan tii guud ee dalka, taasi oo sii fogeysay Midnimada iyo wadajirka dalka.

Waxaana la saadaalinayaa in sanadaha soo socda ay shacabka Soomaaliyeed kusii mintidaan maamuladooda hoose oo aysan kalsooni badan kusii qabin Villa Soomaaliya, taasi oo halis ku noqon karta Midnimada dalka ee mustaqbalka dhaw.

  1. Abuurida xiriir caalami ah ee ku saleysan iskaashi iyo wada jir,

Xiriirka Caalamiga ah qaababkiisa haddii aan ku soo koobno  labo Nooc waxaa la oron karaa wuxuu u kala baxaa:

  • Xiriir iskaashi labada dhinac ah – Awoodo siman, sida xiriir taariikheed. Ama ganacsi iyo wax is dhaafsi.
  • Xiriir dhinac u jeen jeera – Awood xoog badan iyo mid liidata oo lagu adeegto.

Dowlada Xasan Shiikh waxaa la oron karaa siyaasadaheeda gudaha ee liidata halistana ku ah Qaranka Soomaaliyeed ayaa keentay in awoodda wadanka dalkan ay ahaato mid weli liidata oo u nugul in dal walba uu kusoo xadgubo, waxaana Soomaaliya faraha la gashey Proxy Diblomaasiyadeed, sida khilaafka Ukriane -Ruushka, Sucuudiga-Sweden, Sucuudiga-IRAN, ugu danbeyn waxaa Itoobiya ku khasabtey Madaxweynaha in uu booqdo magaalada Jig-jiga iyada oo Soomaaliya tahay dal taag daran, murankii xuduudana aan heshiis caalami ah laga gaarin.

Tusaalooyin kooban:

Amniga iyo Awooda Qaran
Dowlada Damuljadiid waxay si bareer ah u shirqoolshay qorshe walba oo dib loogu dhisayey ciidamo Qaran, ha ku timaado musuq maasuq dhaqaalihii ciidanka ee la lunsaday ama aqoon xumo dhanka dowlada ah. Taasi oo keentay in Madaxweynaha Soomaaliya uu illaaliyo Askari Ugandha ka yimid. Madaxweyne Yuweri Musefeni baa la oron karaa waa hogaamiyaha talada ka go’ado. Maanta haduu ciidankiisa la baxo halkee ku danbeyn dowladan Soomaaliyeed ee Villa Somaliya fadhida?

Xasan Shiikh iyo dowladiisa ayaa ku dooda in wadanka Cunaqabateyn saran tahay oo aysan ciidamo dhisi Karin, balse markii si kumeel gaar ah looga qaaday cunaqabateyntii hubka ay sare usii kacday hubkii gacanta dowlada ku jiray ee loo gudbinayey Al Shabaab. Taasi oo ay feer socotay dagaaladii “ciidamada dowlada” ay ka qeyb qaateen ee ka dhacay gobalada dhexe, Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose. Ugu danbeyna keentay in cunaqabteyntii lasii adkeeyo. Taasi waxay meesha ka saartey dedaalkii bilowdey sanadkii 2012 ee ahaa in la helo Ciidamo Qaran ee Soomaaliyeed ee isku dhafan, waxaana ay wax ka beddalaysaa jadwalka AMISOM ay dalka uga bixi lahayd 2018.

Khayraadka dalka Soomaaliya (For Sale)

Marka laga eego xiriirka caalamiga ah ee dowladan soo kordhisay, waxaa u badan dalal u socda 2 arrimood oo kaliya:

  1. Dalal damacsan inay ka faa’iideystaan khayraadka Soomaaliya
  2. Dalal doonaya inay Qaxootiga Soomaalida iska soo celiyaan iyadoo doonaya inay xiriri toos ah  la yeeshaan xukuumada (waxaana u badan dalalka Midowga Yurub).

Labadan xariir caalami ee noo soo kordhay midna wax faa’iido ah uguma jirto Wadanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Gebagebo

Ma ahan wax fudud in Madaxweyne xilka fadhiya  uu mar kale u tartamo xafiiska, waxaa fursadiisu ku xiran tahay:

  • In uu qabtey shaqooyin dhaxal gal ah oo dadku ku jeclaadeen isla markaana doonayaan in uu sii wado
  • In uu bartanka uga jiro is-beddeel weyn oo dadku doonaayo kaas oo qabyo ka ah, dibna loogu doorto in uu qabyo tiro wixii uu bilaabey.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada xanbaarsan codkooda ee  dooranaya Madaxweynaha maxay ku qiimeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loogu dooran karaa, mar kale.  Xasan Sheekh waxa uu sheegay 5 bilood kadib doorashadiisi isaga oo ku sugan magaalada London in afar sano ay ka badan tahay sida dhaqankuna yahay aan Madaxweyne Soomaaliyeed mar kale dib loo dooran,  Haa taas run ayuu ka sheegay, maxaa marka beddalay aragtida madaxweynaha?.

Haddii dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud maxay ka dhigan tahay, waxaa dad badan aaminsan yihiin in meel fog laga raadinayaa midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya, waxaana dalku khatar ugu jiraa in uu dib ugu noqdo waayihii xumaa ee soo maray,  AMISOM dalka ma sii joogi karto marka la eego dalalka ay ka socdaan oo iyaguba cago aan ku taagneyn, Xasan Sheekhna wuxuu helay fursad uu Soomaaliya wax uga qaban karo, taas oo seegtey haddaba waxaa fursad labaad haysta Xildhibaanada Soomaaliyeed oo ay Soomaaliya ku bad-baadin karaan, inkasta oo hal xaaraam ah aysan dhalin nirig xalaal ah.

Maxamed Cismaan
Pn24 xigasho Horseed Media