Guddiga difaaca Gobolka Mudug ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay shaqadii kaga fariisiyeen Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug,Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame (Awdoon) ka dib markii guddigaas ay ku eedeeyn inuu ku fashilmay wax ka qabshadda xaaladaha amaan ee degaankaas.

Qoraal oo ay ku saxiixan yihiin Guddiga difaaca Gobolka Mudug ayaa waxaa la soo gaarsiiyey warbaahinta PN24 taasi lagu sheegay sababo badan oo loo adeegsaday shaqo-joojinta Taliyaha.

Dhinaca kalena, Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug,Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame (Awdoon) ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in aysan guddiga difaaca Gobolka Mudug ee Puntland aysan isaga shaqadda ka joojin karin.

Wareysiga oo ah mid xasaasi ah arimo badan uu kaga hadlay waxaa qaaday Wariye Axmed Caano-Geel oo ka tirsan Idaacadda Codka-Nabadda

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug,Gaashaanle dhexe Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame (Awdoon) ayaa ku eedeeyay guddiga difaaca Gobolka Mudug inay yihiin rag ka shaqeynayo in xaaladaha amaan ee Gobolka ay noqdaan kuwa cakiran, isaga oo hadalkiisa ku sii daray in nin ka mid ah guddiga difaaca Gobolka Mudug uu dhac u geystay gaari ay gadeen shacabka Mudug.

warqad1

warqad2