Kormeerkan iyo tiro koobka ciidanka Booliska ee uu bilaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdulqadir Shire Faarax Ereg iyo saraakiisha uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka aha isku xirka Bulshada iyo ciidanka Booliska Gobolka.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug Cabdiwaahid Cabdulle Warsame ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland kusoo dhaweeyay qaybta Booliska Gobolka kanawaramay koobaha ay kormeereen.

“Maantay waxaan soo kormeernay ciidamada qaybta booliska Gobolka ,Saldhiga Ciidanka,laanta ilaalada Canshuuraha iyo qaybta dambi baarista Generaal kusoo dhawoow Qaybta booliska “Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland  Cabdulqadir Shire Faarax Ereg ayaa sheegay in safarkooda uu salaka ku hayo tirada iyo tayada Ciidanka Booliska iyo hanaankii isku xiri lahaa shacabka iyo ciidanka.

“Waxaanu wadnay Kormeerkeenii aan ku soo marnay Gobolada Puntland ee ku saabsanaa labo qodob oo kala ahaa ukuura galida tirada iyo tayada ciidanka,shaqooyinka uu qabto ciidanka booliskana waxaan ka codsanayaa in shacabka loogu shaqeeyo si hufan oo nadiifa ogaadana ciidanka booliska waa adeegaha shacabka”

Dhinaca Kale Taliyaha ayaa shacabka kula dardaarmay isku duubni iyo inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka Booliska Gobolka waxa uuna yiri “Codsigayga shacabka waxa weye in ay a shaqeeyaan ciidanka booliska waayo ciidanku meel walba ma taagna ciidankana waxaan leeyahay xogta shacabka idin siiyo qofkii gudbiya kama sii mid ahaan doono ciidanka booliska.”

Kormeerkan Tailska ciidanka Booliska Puntland ayaa ahaa mid horay looga soo sameeyay Gobolada Puntland.
—–
Abdinasir Mohamed Ali
bakeyle1987@gmail.com
+252907755747
+252906022229

DAAWO SAWIRO BADAN

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????