Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya waa musharax u taagan jagada kursiga ugu sareeya Soomaaliya.

Musharax Cumar wuxuu ka mid yahay ragga ugu cad cad ee u tartamaya hogaanka dalka, waxaana taageeraya dalal badan  waxaa lagu tiriyaa Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee tartamaya.

Image result for Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Cabdirashid Cali Sharmarke

Taariikh ahaan waxaa jirta arrin si wayn loo hadal hayo oo ah in 50-sano ka dib uu Cumar Cabdirashiid doonayo inu dhigo taariikh cusub oo uu horay u dhigay aabihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke ALLA ha u naxariistee.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah Cumar Aabihii wuxuu noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyay ee ay yeelato Soomaaliya markii ay xoriyada qaadatay 1/Julay/1960-kii, wuxuu Ra’iisul Wasaare ahaa illaa 1964-tii.

Sanadkii 1967-dii ayaa Doorashooyin ka dhacay dalka uu ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu xafiiska la wareegay 10-kii Juun 1967-dii.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu dhintay 1969-d-dii, waxaana dilay askari ka tirsanaa ciidanka illaalada u ahaa.

Hadaba 50-sano ka dib ayaa Cumar Cabdirashiid uu doonayaa inuu sameeyo taariikh la mid ah midii uu sameeyay Aabihi ALLA ha u naxariistee, wuxuu Cumar laba jeer noqday Ra’iisul Wasaare.

Wuxuu iminka doonayaa in sanadka 2017-ka uu noqdo Madaxweynha Soomaaliya, haddii uu guulaysto wuxuu dhigayaa taariikh la mid ah midii uu aabihiis dhigay.

Raysulwasaare Cumar ayaa hadii uu ku gulaysto madaxtinimada dalka   waxa kale uu doonayaa in uu katago 4 sano ka dib dalka oo xasilan.