Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda socdaal ku jooga magaalada Qandala, isla markaasna maanta dib ugu laabanaya magaalada Boosaaso ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladdihii uu ku arkay magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay soo arkeen xaaladda dadkaas ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan xaaladdaha ay ku sugan yihiin.

Madaxweynuhu wuxuu sheega in ay kooxaha Xagjirka ah ee horay u qabsaday Qandala ay burburiyeen goobihii adeegga bulshada, oo ay hadda dawladdu dib u dhiseyso.

Hoos kadhagayso waraysigaan oo uu siiyay radio Daljir

Puntland-News24.