Wasiir kuxigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda Puntland.

Wasiir Dujaana ayaa shir jara’id uu ku qabtay magaalada Garoowe ku sheegay iscasilaadiisa inay salka ku hayso beesha uu kasoo jeedo oo saluugsan nidaamka dowladda ee Puntland, isagoona sigaar ah usoo qaatay beesha inay saluugtay xubinta aqalka sare ee Soomaaliya oo uu sheegay in xaq darro lagu sameeyey.

Hoos kadhagayso

 

 

 

Puntland-News24.