Doorashada Labada Gudoomiye ku xigeen ee Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacaysa Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta soo dooranaya Gudoomye ku xigeenka Koowaad & Labaad ee Baarlamaanka oo ay u sharaxan yihiin Musharixiin fara badan,waxaana kamid ah Musharixiinta Xilka Gudoomiyaha Koowaad ee Baarlamaanka Khadiijo Maxamed Diiriye,C/wali Sh Ibaahiim Muudeey iyo Faarax SH C/qaadir.

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta soo gabagabayn doona Doorashada Gudoonka Baarlamaanka,Xildhibaanada ayaa shalay Gudoomiyaha Baarlamaanka u doortay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Puntland-News24.