Abaarta kajirta deegaano badan oo katirsan Soomaaliya gaar ahaana  Puntland ayaa wali waxaa soo kordhaya walaaca kasoo baxaya saamaynta imaan karta haddii Eebe naxariistiisa uusoo shubin , iyadoona saadaashu ay sheegayaan inuu soo fool leeyahay jiilaal muddo lix bilood ah , xilli dad badan ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen , halka qaar kalena wali ay la tacaalayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen abaarta oo ay wehliso biyo la’ aan iyo cuduro xoolaha ku dhaca.

Guddiga Gurmadka abaaraha Puntland,waxay u mahad celinayaan cid walba oo ka qayb qaadatay gargaarka walaalahooda ku tabaaloobay abaaraha baaxadda leh ee ku habsday gayiga Soomaalidu degto.

Dhanka kale,waxaan u sheegaynnaa Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto in ay dadka abaartu hayso u dadaalaan oo aysan ka daalin inta Allaah raxmad waasic ah ina siinayo.

Liiskaani waa dadka ka baxsan magaalada Boosaaso ee guddiga soo gaarsiiyey lacago taakulo ah, waxaana ku xigi doona liisaska Boosaaso hadba intaan ka gaarno, Allaha abaarta naga saaro.

Halkaan hoose kala dega File PDF , dadka lacagaha usoo diray guddiga gurmadka abaaraha ee culimada iyo dowladda.

Liiska   lacagaha Boosaaso ka baxsan

Puntland-News24.Liiska lacagaha Boosaaso ka baxsan