Musharaxa madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta jeediyay khudbad qiimo badan oo uu kaga hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee dalka haddii uu ku guulaysto xilka madaxwayne ee dalka doorashada dhowrka beri ay ka harsantahay.

Cumar Cabdirashiid ayaa qaba aragti ah in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye , isagoona marar badan wadanka Ruushka u tagay dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed , taasi oo ka mid ah waxyaabaha dowladda Itoobiya ee ay ku colaadinayso musharaxan iyadoo u aragta dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood leh oo Soomaaliya ay yeelato mid khatar ku keeni karta , iyadoona dhanka kale musharax Cumar Cabdirashiid yahay nin kaliya bulshada Soomaaliyeed isku xiri kara sida horay loosoo arkay , kana madaxbanaan qabiil gaar ah.

Musharax Cumar Cabdirashiid ayaa ahaa shaqsigii ugu horeeyey ee Soomaaliya ee dejiya in wadanka laga saaro marxaladdii KMG ahayd loona gudbo dowlad qaran , taasi oo bilowgeedii uu lahaa balse markii dambe la dhamaystiray laguna guulaystay dalka inuu yeesho dowlad rasmi ah oo aan KMG ahayn 2012kii.

Hoos kadaawo khudbaddiisa oo dhamaystiran.

Xildhibaaanada baarlamaanka ee labada aqal ee madaxwaynaha dooranaya ayaa waxaa horyaala inay dalka ka badbaadiyaan gumaysiga dowladaha dariska ee Soomaaliya iyo inay doortaan shaqsi Soomaaliya masiirkeeda aan ka shaqaynayn oo u shaqeeynaya dowladdaha diidan dowladnimo ka dhalata Soomaaliya , balse dhalinyarada musharixiinta ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo laga qabaa inay codkooda siiyaan shaqsi aan ku shaqayn rabitaanka dowladda Itoobiya oo maamulada dalka ka dhisan siyaabo gaargaar ah u hubaysa qaybna ka ah fowdada dalka kajirta, waxaana ilaa iyo hadda musharaxa la hubo inuu xiriir kala dhexayn dowladda Itoobiya uu yahay musharax Cumar Cabdirashiid , iyadoona Itoobiya ay u ololaynayso madaxwaynaha xilhayntiisa ay dhamaatay ee Xasan Sheekh Maxamuud , kaasi oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo gobolka Soomaalida degto ee Itoobiya ku sheegay dhul Itoobiya katirsan.

Puntland-News24.