Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo si isku mid ah xaafadaha magaalada u saameysay howl galada amni sugid ee ka socda.

Ciidamo kala duwan ayaa la dhigay jidadka waa weyn ee magaalada, iyadoo meelaha qaar lagu gooyay dhagxaan iyo ciid, waxaana magaalada qeybo ka mid ah u ekaatay goob dagaal oo dhufeyso leh.

Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo kuwa kale ayaa saaka wax gaadiid isticmaaleyn, waxaana isgoysyada taagan ciidamo kala duwan.

Isu socodka dadka ayaa ahaa mid caadi ah, waxaana ay maalayeen lugahooda, dad badan ayaa la arkayay iyagoo u lugeynaya goobahooda shaqo sida Suuqa Bakaaraha.

Si kastaba ha ahaatee jawiga magaalada Muqdisho ayaa ah mid quful albaab ah, cid walba ayaa u dhega taageysa xaalka sida uu u socda iyo doorashada berri dhici doonta, waxaase dadka ay rajeynayaan in si nabdoon ay ku dhacdo, maadaama ay cabsi iyo wal walba jirto.