Shacabka ku dhaqan Magaalada Bosaaso ayaa Maanta ilaa iyo xalay kujiray dabaaldayo balaaran oo ay ugu dabaaldagaayeen Madaxweynaha cusub ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isuguyimid Bartamaha laamaiga wayn ee dhaxmara Magaalada Bosaaso waxaana hakad galay isusocdka gaadiidka dadweynaha .

Shacabka ayaa watay boorar ay kuxardhanaayeen sawirka Madaxweynaha cusub ee dalka soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Magaalooyin waa wayn oo ay kamidtahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay sidan oo kale banaanbaxyo lagu taageeraayay Guusha madaxweyne Farmaajo waxayna shacabku ay jabiyeen bandow uu maamulka gobolka Banaadir uu ku soorogay magaalada Muqdisho mudo labo maalmood ah ka hor intii aysan doorashada bilaaban.

Hadaba Hoos ka dhagayso Dareenka dadweynaha

Xasan Heykal PuntlandNews24.com Bosaaso.