بِسْمِ اللّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيم

9/2/2017.

Farmaajihii ajnebigu diidey dadkiisii ayaa doortay

Allaahu akbar Ilaahay baa weyn oo mahad leh, baarlammaankii wax doortayna hambalyo baannu leennahay, noqda kuwii lagu raysto dalkoodana horumar u horseeda, madaxweynaha la doortay oo cusubna (Maxammad Cabdullaahi Farmaajo) guul iyo hambalyo ayaannu isna leennahay. Shaki la’aan ummadda soomaaliyeed meel ay adduunka ka joogtaba waxaa u soo hoyatey guul aysan muddo dheer arag, markii uu baarlammaanku calankeennii iyo karaamadeennii xalay ciidda kor uga qaaday oo bilay. Ilaahay mahadi ha ka gaadhee wixii dhacay shalay iyo xalay waxay ahaayeen dhaxal taariikhi ah iyo wax aan qiimahooda la gudi karin meel fogna kaga qormaya qof kasta oo waddani soomaaliyeed ah oo mukhlis ah oo ciiddiisa iyo dalkiisa daacad u ah, diintiisa iyo dadkiisaba.

Waxaa la oran karaa xataa haddii isla habeenkii xalay ahaa ay madaxweynaha cusub tii Alle u imaan lahayd, wuxuu dhiman lahaa isagoo guulaystey ummaddii soomaaliyeedna guul uga tegay. Jawaabta cad ee ay baarlammaanka soomaaliyeed bixiyeen iyo farriinta ay sida dhiirran farta uga saareen cadowga sida xun faraha noogula jira, waa wax lagu qoro biyo dahab iyo baal dahab ah, Farmaajana waxaa sharaf iyo guul u ah inuu maanta noqday ninka loo xiray taajkii gobannimada iyo sharafta soomaaliyeed, karaamadii ummaddeennana sidaas lagu huwiyey. Intaas markii aan halkaas kaga gudbo waxaan erayo kooban ka oranayaa waxa inala gudboon maanta ummad ahaan kulligeen iyo waxa maamulka cusub iyo madaxweynaha la doortay laga fili karo inay qabtaan.

Waa tan hore’e soomaaliyeey walaalayaal waxaa inala gudboon sida aynu u bilownay isku hilbo-dirirka iyo qiirada waddaninnimo ee kor u istaagtey, si la mid ah in aynu dardar cusub u sii galinno dadaalkeenna iyo isku-duubnideenna karaar hor lehna sii qaadanno, si aynu dalcadda aan tafaynno iyo xannibka ina horyaal xoog ugu jiirno. Baarlammaanku waa inaysan iskhilaafin ee ay ku mintidaan midnimadooda iyo waddaninimada ay muujiyeen, maamulka cusubna waa inay iyaguna isku hilbo diriraan oo ul iyo diirkeed noqdaan; shacabka soomaaliyeedna meel uu jiraba waa inuu wada istaagaa oo ficilada iyo qiirada kacday halkaas ka sii wadaa, qof walbana huraa oo bixiyaa wixii uu heli karo.

Gabdhuhu waa inay hormood u noqdaan kacdoonka iyo qiirada waddaniga ah, dahabka iyo dhegahoodana ay bixiyaan; dhallinyaraduna waa inay u kacaan dalkoodu inuu xoroobo oo xarumaha ciidammada iyo furimaha la isugu tagaa oo meel walba la buuxiyaa; maalqabeenka soomaaliyeedna waa inay hantida bixiyaan oo wax u quuraan badbaadinta dalkooda; gabyeenka, heeseenka, aqoonyahanka, isimmada, odayaasha, culimaa’uddiinka iyo indheergaradka oo dhammina waa inay iyaguna dareenkooda cabbiraan oo ay maskaxdooda iyo taladooda ku deeqaan iyo wakhtigoodaba.

Madaxweynaha la doortay waa qof, haddii aan ummad ahaan loo garab istaaginna wax uu qaban karaa ma jiraan isaga iyo dhawrkiisa wasiir toonni, haddiise gilgilashada iyo dhiidhiga ummaddu ay holcaan, waxaa isagana markaas looga fadhiyaa inuu waddaniyaddaas madaxa la kacday iyo daadka rogmanaya ee qiirada ummadda ah uu si wanaagsan u hanto oo u horkaco, daacadnimo iyo waddaniyadna ku hoggaansho. Kama rabno madaxweynaha cusub inuu wax mucjisooyin ah sameeyo ama uu qorraxda iyo dayaxa sacabbada noogu soo rido ee waxaan ka rabnaa inuu daacad mukhlis ah ahaado; inuu wixii hore kaga fiicnaado waddaninimo iyo aaminnimo, sidii loogu farxay doorashadiisana u ilaaliyo sharafteeda iyo hankii iyo hammigii loo qabey.

Xagga waxqabadka kalena waxaan ku talinayaa in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay laba qodob awoodda isugu geeyaan, oo kan hore yahay sidii ay ciidammadii soomaaliyeed u dhismi lahaayeen, taasoo ku imaanaysa markii askariga dhimanaya oo dalka difaacaya xuquuqdiisa la dhawro iyo tan ilmihiisa. Qodobka labaadna yahay in la isu raadsho oo la isu baadigoobo waddanigii soomaaliyeed jaho uu jiraba, loona sameeyo fagaare kulmiya oo ay ku soo wada hirtaan soomaali mukhliskeeda iyo daacaddeeda oo idil rag iyo dumarba, waana la yaqaan oo wax qarsoon ma aha qolo walba waddaniyiinta ku jira, sida Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxammad Cabdi Yuusuf oo iyagu billad-geesigii soomaalinnimada kow ka galay waayadaan burburka, markii ay caddeyeen wixii ay caddeeyeen oo la ogaa.

Xiriirka dibadda iyo xagga ajnebigana waa in wixii suurtagal ah iyo sidii la awoodo oo macquul ah loola dhaqmaa si miyir badan leh iyo talo la ruugey, xanaftana la ilaaliyaa iyo wixii xajiin iyo xasaasiyad abuuri kara, ama mid haatan jirta uga sii dari kara. Waxaan ku soo khatimayaa qormadaan kooban oo aan maamulka cusub ku baraarujinayaa, in wixii faragelin ajnebi ah shakhsigii si rasan arrimaheenna u dhexgala loo jaro warqadda ah “qofkaan lagama rabo halkaan”, dawladdiisiina sidaas lagu wargeliyo si ay ugu soo beddesho qof munaasib ah oo hufan; waana in la xasuusnaadaa shakhsiga ajnebiga ah ee wax bi’inayaa inuusan ahayn isagu dalkiisii oo dhan ee uu yahay qof xiriirkii dalkiisa xumaynaya eed iyo canaanna dawladdiisii ka mutaysanaya. Ilaahay baana mahad oo dhan leh hor iyo dibba.

Cabdirisaaq Cabdi Daad