Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta lagu qabtay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta boqolaal qof kula hadlayay Taallada Daljirka Dahsoon ayaa Madaxda dalka ugu Sareysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed ka codsaday in ay caddeeyaan Maqaamka gobolka Banaadir.

Dhankakale Gudoomiyaha ayaa xusay in aan la ogalaan doonin Wadooyinka Muqdisho lagu xiro Jaqafyo , dhagaxaan iyo Kombooyin.

Amniga ayuu sheegay in laga rabo in ay sugtaan shacabka gobolka Banaadir ,islamarkaana loo furo wadooyinka.

baanbaxa