Madaxweynaha Puntland oo Maanta Bosaaso Dib ugu soo laabtaya ayaa ka hadlay Doorashadii kadhacday Magaada Muqdisho 8dii bishaan oo lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuuna sheegay in ay kufaraxsanyihiin doorashada ka dhacday Muqdisho iyo isbadalka kuyimid hogaanka dalka soomaaliya.

Waxa uu sidookale Madaxweyne gaas sheegay in ay sidhaw ulashaqan doonaan kamaamul ahaan Madaxweynaha cusub ee soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidookale waxa uu sheegay in Aas Qaran loogu samayn doono Magaalada Bosaaso Alaha unaxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Cade muuse oo 8dii Bisahan ku geeriyooday Dalka isutaga imaaraadka Carabta.

Hadaba Hoos kadhagayso Hadalada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari.