Qiimaha xoriyada ayaa u baahan macnayaal badan waxaana garan kara maxbuuska iyo ciilanaha awood loogu sheegtay u qabsoomida iyo hanashada yool mirihiisu ka macaan yihiin malabka. Inaad xor u tahay jir ahaan iyo maskax ahaan ayaa kugu hagi kara wadada saxdaa waqti ku haboon kuna dareensiin kara dhadhanka macaan ee xornimada. Khiyaar ahaan hadii la i waydiin lahaa imaatin kayga dunidaan waxaan dooran lahaa Xornimo.

Miyaysan aheen doorasho saxa? Dabcan Haa! Haa! Haa!. Inaan xor u ahay Diintayda, Fikirka aan aaminsanahay, Go’aan qadashada waqtiga ku haboon iyo rabitaan kayga nafeed ayaa igu qasbaya inaan Doorto xor inaan ahaado. Tani ma aheen midaan naftayda ka qoray waa qiimaha xornimadee, waxay na qusee saa dhamaanteen, waxaa i farax galinaya inaan dhamaanteen dareemayno xornimo iyo inaan ku dooran rabitaan ka dadyow kale masiirkeenii jiritaan, umad ahaan waxaan nahay (Somali) dadka ugu garaad ka badan uguna xornimada jecel.

Waxaa guuleestay xornimadii, waxaana hoos ahaaday madax u raaracintii shisheeyaha iyo shisheeye kaal ka.

Anigoo la hadlaya Soomaalida kuna hadlaya magacayga waxaan codsan lahaa inaa nan dayicin dib u godolka “Maandeeq” iyo curushada Gu’gaan Barakeesan. Tani waa fursad aan ku i loobi karno inaan aheen dadyawga ugu nasiib ka daran dunidaan, kuna caan ahaa Musuq, Eex iyo iyo Takoorid naf sharfaneed.

U hiili dalkaaga kuna taageer Naf iyo Maal hana u ogolaan dib u dhac, dareensii naftaada qiima beelka qabiileed kuna qanacsanoow Soomaali nimo iyo Islaam nimo, u mahadceli Allah si uu noogu siyaadiyo, ku faraxsanoow Soomaalinimo aamina inaad tahay mid ka nasiib badan dadyawga dunida. Hadii aad ka heshay fariintaan gaarsii walaalaha kale si aan mid u ahaano.

Qore: Aqoonyahan da’yar Zakarie Sultan