Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo Qorshihii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso in ay kusoo daabacdo lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo uu dalka uu yeelan doono.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in shirka Bilaha May iyo April lagu qaban doono dalka Ingiriiska Arintaasi looga hadli doono.

Waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxaaya daabicista Lacag uu yahay mid aad u farabadan ,islamarkaana ay ka taageeri doonto Beesha Caalamka.

Bashiir Ciise Cali ayaa Tilmaamay in kharashka ku baxaaya keenista Lacag cusub uu ka badan yahay 60 Milyan doollar.

Qorshaha Lacagta Cusub oo aad loogu baahan yahay hadii uu najaxo waxaa ku sharfanaan doona Dowlada Farmaajo inkastoo dowladahii hore ay dadaaleyn.

Bangiga mmm