30/ 6- 1967-kii, waxaa aqalka madaxtooyada ka dhacay xafladdii xil-wareejinta. Mudane Aadan Cabdulle oo si rasmi ah ugu wareejiyay xilkii ayaa fagaaraha ka hadlay. Hadalladiisii waxaa kamid ahaa:

“ Waxaan kugu wareejinayaa dowlad, uusan jirin qof qura oo darteed uu dhiiggiisii u daatay. Waxaan kugu wareejinayaa dowlad uusan jirnin qof qura oo siyaasad xabsiga ugu jira. ……………. . Dowladdu waa seef afkeedu uu ama shacabka ku jeedo ama madaxda ku jeedo. Haddaba intaad shacabka ku jeedin lahayd, ku jeedi masuuliinta ”.

Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke noqday madax-waynihii labaad ee hoggaamiya dowladda Soomaaliy. Wakhti badan ma qaadan in uu ra´iisul-wasaare u magacaabo Maxamed Ibraahin Cigaal oo ahaa siyaasi ay si adag isaga-soo hor-jeedeen. Cigaal, waxaa dhalay nin ganacsade ah oo si wayn looga yaqaan degaannada waqooyi. Aabihiis Xaaji Ibraahin Cigaal, wuxuu xubin ka ahaa xisbigii SYL. Ganacsiga xooggan ee uu ku haystay degmooyinka Berbera iyo Hargaysa ayaa waxay ku khasbayeen in uu is-qariyo. Maxamed Ibraahin Cigaal, wuxuu wax ku soo bartay dalka Ingiriiska. Wuxuu xubin ka noqday golihii fulinta maamulkii Ingiriiska ee ka jiray British Somali-land. Isagu wuxuu matalayay markaas xisbiga SNL.

Dabayaaqadii bishii juun 1960-kii, ra´iisul-wasaare ku-meel gaar ah wuxuu ka noqday maamulka gobolladii Soomaaliyeed ee uu Ingiriisku ka kacay. Isaga oo hoggaaminayay xisbigii SNL, wuxuu waayeel ka ahaa siyaasiyiintii matalayay gayigii uu Ingiriisku ka kacay. In-kasta oo uu door wayn ku lahaa midnimadii labada gobol, misana wuxuu ahaa nin ka soo hor-jeestay dowladdii uu Sharmaarke ka ahaa ra´iisul-wasaaraha. Sanadkii 1962-kii, isaga oo hor-kacaya SNL wuxuu bur-buriyay heshiiskii ay dowladda ku dhiseen xisbiyadaSYL, SNL iyo USP. Sanadkii 1963-kii wuxuu xubin muuqata ka ahaa hal-abuurkii xisbiga SNC ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Cabdi-rashiid.

Doorashada Sharmaarke ee Cigaal, maahayn mid si sahlan ku timid ee waa mid laga shaqeynayay muddo sanad ka badan. Rag ganacsato ah oo ka tirsanaa SYL iyo SNL ayaa muddo sanad ah kulamo ku qaadanayay Xamar iyo Hargaysa, isla-markaas is-dhaafsanayay fariimo qoraal ah. Kulamadoodii waxay ku soo gaba-gabowday heshiis ah in laysla dhiso dowladda soo socota. Ra´iisul-wasaaraha cusub, si uu u daadihiyo dowladda cusub, wuxuu ku khasbanaa in uu xal u helo khilaafka siyaasadeed eek u kala dhex-jira xildhibaannada barlamaanka, gaar ahaa raggii SYL ka baxay iyo kuwii ku haray xisbiga. Waxaa jiray 13 xil-dhibaan oo barlamaanka ku jira kuwaas oo kamid ahaa maqaawiirtii SYL, laakiin khilaaf ku baxay oo xubin ka noqday SNC. Raggaas waxaa kamid ahaa Shiikh Cali Jimcaale, Cali Maxamed (Wardhiigley), Xaaji Faarax Cali, Xaaji Yuusuf Iimaan, Cabdullaahi Gacal Sabriye, Maxamed Cosoble Cadde iyo Salaad Cilmi Dhurwaa. Raggaasi oo dhamaantood dhalashadoodu tahay beelaha Hawiye, ayuusan Cigaal uga maarmin dhismaha dowladda cusub. Waxaa kale oo Cigaal uu baahday, maqaawiir kamid ah xisbigiisii hore (SNL) oo xildhibaanno ah, in ay ku soo biiraan xisbiga SYL.

Maxamed Ibraahin Cigaal ayaa arimahan dartood, wuxuu kulamo la yeeshey golihii dhexe ee SYL. Iyaguna ugu-danbayn waa ay ka oggolaadeen. Inteeyan dhamaan bishii julay 1967-kii, 22 xildhibaan oo xubno ka ahaa SNC, nin keliya ayaa diiday in uu ku biro SYL. Intoodii kale waxay aqbaleen in ay xubno ka noqdaan xisbigii talada dalka hayay. Xildhibaanka diiday in uu SYL ku biiro wuxuu ahaa Shiikh Cali Jimcaale. Cigaal ujeeddadiisu waxay ahayd in uu gole qura isugu geeyo xoogga xildhibaannada, si ay ugu sahlanaato dhismaha dowladda iyo socodsiinta barnaamijka siyaasadeed ee uu la imanayo.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com