Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukunno dil ah ku ridday rag ku eedaysan Alshabaabnimo iyo gelidda dambiyo dilal ay ka mid yihiin.
Raggaasi ayaa qaarkood lagu soo qabtay hawlgallo todobaaddadii ugu dambeeyey ka socday magaalada Bossaso kadib markii falal dil ahi ay ka dhaceen, loona gaystay qaarkood masuuliyiin hay’adaha dawladda Puntland ka mid ah.
Guddoomiyaha maxkamaddaasi ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee shanta gobol Col. Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda iyo dadka la horkeenay waxay ahaayeenba.

Hadaba Hoos kadhagayso Gudoomiyaha Maxkamada .

Xasan Heykal PuntlandNews24.com