Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa guddiga kala wareegay lacagtan oo tiradeedu tahay 150, 000 oo Dollar taas oo qayb-ka ah qoon-dooyin guddiga gurmadka abaaraha heer Federaal ee dowladda Soomaaliya u qaybiyeen guud ahaan bulshada ku abaarsatay deegaannada dowlad gobolleedyada dalka, sida uu faah-faahiyey Maxamed Xaaji Ibraahim oo ah wasiirku xigeenka qorshaynta maamulka koonfur galbeed Soomaaliya guddiga gurmadka abaaraha Federaalkana xubin ka ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka ah Cabdullaahi Maxamud Xasan Az-hari oo isna guddiga gurmadka xubin ka ah ayaa dhankiisa ka mahad-celiyey soo dhowanta loogu samayey Puntland, isagoo tilmaamay in imaan-shahooda Puntland sidoo kale uu bar-bar socdo u kuur-gal ay ku samayn doonaan xaddiga abaaraha ka jira Puntland iyo sida ay bulshada u saamayeen.

Suldaan Cabdiqani Qorane oo xubin ka ah guddiga gurmadka abaaraha ee culimada Puntland ayaa isna dhankiisa ka mahad-celiyey deeqdan lacagta ah ee dhanka dowladda dhexe kasoo gaartay Puntland, isagoo xusay in bulshada Soomaaliyeed oo iskaashata ay dabooli karto baahida dadkeeda abaarsaday.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar ayaa oo ka guddoomay guddiga deeqdan lacagta ah ayaa uga mahad-celiyey dedaalka ay u galeen ururinta gurmadkan iyo qoon-dayntiisa, wuxuu tilmaamay in lacagtan oo marka loo eego marxaladda taagan cadad-keedu yar yahay hadana ay wax badan ka qaban doonto marxaladdaha taagan, isagoo xusay in sidii loogu talo galay u gaari doonto dadka duruufaysan.