Ciidamo cusub oo ka socda Dalka Burundi oo qayb ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidanka Maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa ah Guutada 40-aad ee Ciidanka dalka Burundi kuwaasoo bedel u noqonaya Guutada 34-aad oo Mudo sanad ah kasoo shaqeeyey gudaha Soomaaliya.

Taliyaha hogaaminaya Guutada Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi ee Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho leonodas Nsingirankabo ayaa sheegay iney ku dadaalayaan xasilinta Soomaaliya iyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen Kooxda Al-shabaab.

Puntland-news24.