Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Jen, Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland, iyadoo ay ka qeybgaleen Madaxda Puntland & Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Diyaaradda Meydka siday ayaa ka soo dagtay magaalada Boosaaso, iyadoo ka soo duushay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda kale ayaa ku tukaday Salaada Janaazada, waxaana lagu aasay Qabuuraha magaalada Boosaaso.


Puntland-News24.