Marxuum Cadde Muuse Xirsi oo horay madaxwayne uga soo noqday Puntland kana mid ahaa saraakiishii ciidamadii dowladdii dhexe ee dalka oo uu ka gaaray darajada Jeneraal ahaana nabadoon Soomaaliyeed oo siwayn loo qadariyo ayaa goor dhowayd laga soo dejiyay garoonka diyaadaraha ee magaalada Bossaso.

Madaxwaynaha Puntland , madaxwayne kuxigeenka Puntland , guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaybaha bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bossaaso oo lafilayo goor dhow in lagu aaso.

Wafdi sare oo kasocda magaalada Muqdisho oo isugu jira dowladda faderaalka iyo siyaasiyiin ayaa lafilayaa inay aaska marxuum Cadde Muuse kasoo qaybgalaan, waxyaabaha marxuumka lagu xasuusto ka mid ah qorshihiisa ahaa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismihii garoonka diyaaradaha Bossaaso oo fakerkeeda uu bilaabay iyo sidoo kale dekedda.

Puntland-News24.