Qaar kamid ah Xoogsatada ka Xamaasha Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Dibadbax Cabasho ah ka hor dhigay Dekedda Muqdisho.

Boqolaal ka mid ah Muruq-Maalka Dekedda Magaalada Muqdisho oo Maanta iskugu soo baxay afaafka hore ee Dekedda ayaa dhigay Mudaharaad ay kaga cabanayaan Shirkada Albeik ee gacanta ku haysa Maamulka Dekedda Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo Shaqooyinkooda oo intooda badan laga saaray kadib markii Shirkada Albeik ay keensatay qalab Casri ah oo looga maarmay Shaqaalihii faraha badnaa ee ka shaqayn jiray Dekedda.

Xoogsatada ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxayna ka codsaden inuu si deg deg ah wax uga qabto cabashadooda.

Puntland-News24.