Doon u rarneed Ganacsato Soomaaliyeed ayaa ku dagtay Xeebaha dalka Cumaan,Doonta ayaa la sheegay iney kusii jeeday Dekedda Macmalka ah ee Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Doonta dagtay ay saarnaayeen Shidaal iyo Raashin waxaana la sheegay iney u rarneed Ganacsato Soomaaliyeed,Lama sheegin qiyaasta hantida saarneed Doonta dagtay.

Xiliyada ay Dabayluhu kacsan yihiin Waxaa inta badan Badda ku daga Doonyo sida Shixnado kala duwan kuwaasoo u raran Ganacsato Soomaaliyeed.

Hoos kadhagayso

Puntland-News24.