Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo katirsan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Bosaaso loo bixiyo marxuum Cadde Muuse , maadaama uu ahaa sida uu sheegay xubin muhiim u ahaa bulshada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan Puntland.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garoowe oo maanta siwayn loogu soo dhoweeyey , isagoona geesta kale beeniyay su’ aal la waydiiyay oo ahayd inuu doonayo isbadal xiligaan lagu sameeyo hogaanka Puntland.

Madaxwaynihii hore Puntland ayaa kutilmaamay madaxda iminka xilka haysa ee Puntland kuwa baqaya oo aan bulshada waxba u qaban sida uu yiri Dr Faroole.

Puntland-News24.