Gudoomiyihii dawladda Puntland ee gobalka Sool Muqtaar Mahad ayaa ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay xadka u dhaxeeya gobalada Sool & Nugaal, xili uu gudoomiyuhu ku sii jeeday magaalada Tukaraq.

Saraakiisha Laamaha Socdaalka ee Wadooyinka ayaa sheegay in uu gaarigu ka baxay wadada dheer ee laamiga ah, waxayna sheegeen in ay taasi sababtay geerida gudoomiyaha gobalka Sool.

Dawladda Puntland ayaa Tacsi ka dirtay geerida ku timid gudoomiyihii gobalka Sool, oo lagu aasi doono magaalada Tukaraq oo Xarun KMG ah u ah gobalka Sool, maadaama Laascaano ay ku jirto gacanta Somaliland.

Puntland-News24.