Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Maamulka Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay gacan ka geysanayso Saldhig Ciidan oo laga hirgalinayo Xeebaha Gobolka Mudug.

Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in Saldhigan ay iska kaashanayaan Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya,wuxuuna sheegay in qorshaha ka danbeeya Saldhigaasi Ciidan inuu yahay sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab iyo Kooxaha Burcad badeeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamo huwan ah oo kaashanaya Ciidan Caddaan ah ay gaareen deegaano hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.