Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan Saxardiid Caddaani ayaa waxa uu sheegay in xabiga ay dhigi doonaan cidii ka hortimaada nabadgalyada Maamulka soomaaliland waxna ka sheegta heshiiskii ay wada galeen Soomaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadanaa dhismaha saldhiga milatari ee Magaalada Ber bera.

Wasiirka oo kahadlaya Xariga Wariye coldoon yaa waxa uu wariyaha kutilmaamay in uu yahay xagjir noocyo badan leh waxaana uu intaasi kudaray in xeerka soomaaliland uyaala lamarin doono.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu ahaa mid uu ugu hanjabaayo saxaafada in aysan marnaba soofaragalin kahadalka Saldhig dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisanayso Magaalada Berbera

Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga utaxaabay Wariye yaal badan oo ka Howlgala Magaalada Hargaisa iyo Gobolada Soomaaliland.

Hadaba Hoos kadhagayso Hadalka Wasiirka .