Maamulka Jubbaland ayaa ka dayrinaya Xaalada nololeed ee kumanaan qoys oo kasoo barakacay Abaarta ka jirta deegaanada Jubbaland kuwaasoo gaaray Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Beeraha Maamulka Jubbaland Geelle Maxamed Aadan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadkii beeraleyda ahaa ay kasoo hayaameen Beerahooda kadib markii wabiga biyo laga waayey,wuxuuna tilmaamay in sidoo kale dadkii xoolo dhaqatada ah oo xoolahooda ku waayey Abaarta iney maciin bideen Magaalooyinka waaweyn.

Geelle Maxamed Aadan ayaa sheegay in Kismaayo ay markii hore la ciir ciiraysay kumanaan Qoys oo laga soo celiyey Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya,wuxuuna intaa raaciyey iney qaylo dhaan u direen Hay’adaha Gargaarka si loo caawiyo dadka dhibaataysan.