Guddiga ayaa soo maray dhulkii la isugu soo guuray oo ah dhulka ku sii jeeda badwaynta Hindiya ee gobolka Bari, waxaa guddigu maray dhul badan oo aan ka xusi karo, Dhudhub, Quraar, Xamxammaa, Makadoor, Gorayaale, Geedqallooc, Qaylawayne, Ciin, Dhuudo, Duur, Ortante, Shubmaygaag, Karin Sarmaan, Bayla, Buurdeero, Laasbaxay, Qoton, Sarmaan, Xumbays, Maygaag, Iskushuban, Xiriiro, Mareer, Xoobabays, Xabaalacad, Garan, Cammaan, Jeedaal iyo dhul kale oo badan.

Waxaa guddigu dadkaas oo isga soo guuray Bari, Sanaag, Nugaal, Mudug,Galguduud, togdheer iyo dhulka Itoobya xukunto ay u soo qaybiyeen 538 booyad oo biyo ah taas oo ku kacday adduun ku dhow $55000.

Waxaa dadka ka muuqday harraad, gaajo, hu’ la’aan, weel la’aan iyo gaadiid la’aan, waxaan Allaah ka baryeynnaa raxmad waasic ah oo degdeg ah.