Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa soo bandhigtay gaari la sheegay inuu yahay kii ay wateen Kooxo shalay weeraro kala duwan ka geystay Magaalada Muqdisho.

Gaariga lasoo bandhigay oo nuuciisu yahay NOHA ayaa waxaa la tilmaamay in laga soo qabtay Xaafada Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan,Hay’adda NISA ayaa tilmaantay in baaris lagu hayo rag loosoo qabtay weeraradii shalay ka dhacay Caasimada Muqdisho.