Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo kasoo tagay degaanka Cabdalle Biroole , islamarkaana kusoo jeeday Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa maanta Waxaa haleelay Qarax miino oo loo dhogay kolonyo ciimado ah oo Marayay Galbeedka Magaalada Kismaayo.

nta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa Qaraxaasi ku dhintay , waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro ka badan 4 Askari sida uu Radio syl.com u sheegay goob jooge ku sugan Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa maanta soogaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynihii Hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xubno katirsan Baarlamaanka soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo laqaadan doonaa Madaxweynaha soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo isgoona ka qaybgali doona caleemasaarka Madaxweynaha.