Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya, waxaana loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga.

Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida Hay’adaha ay sheegayaan.

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka laga soo aruuriyay, waxaana la rumeysan yahay in Doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen, iyadoo Qaar ka mid ah dadka dhintay ay yihiin caruur.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo aruuriyeen xeebta.

Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka degaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.

Hay’adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xiray oo yaalla xeebta.

Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka safartay Liibiya, “waxaana saarnaa 110 qof”.

Ugu yaraan 5,000 oo qof ayaa badda ku dhimatay sanadkii la soo