Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay xafladdii caleema saarkiisa oo ay ka qaybgaleen hogaamiyeyaal kasocda Afrika , Carabta iyo QM ayaa kusoo qaatay waxyaabaha uu muhiimadda siin doono afarta sano ee xilka uu hayo.

Waxaa uu sheegay inay qaadanayso Soomaaliya oo dib nidaamkeedii usoo ceshata 26- sano oo kale , maadaama 26sano burbur lagu soo jiray sida uu yiri.

Madaxwaynaha cusub ayaa sheegay inuu cafis u fidin doono dhalinyarada la khalday ee Al-shabaab , dowladaha dariskana waxaa uu ka codsaday inay faraglin arimaha siyaasadda Soomaaliya , Soomaaliyana ay faragalin ku samayn doonin dowladaha dariska balse taasi badalkeedana loo baahanyahay xiriir ganacsi oo ay la yeeshaan.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay inuu tagi doono dhammaan dowlad goboleedyada xarumahooda , isagoona sheegay inay yihiin baalayaasha dowladdiisa , dowladda dhexena ay tahay iftiinka dowlad goboleedyada.

Hoos ka daawo khudbadda

https://www.youtube.com/watch?v=urL8MdOqOIs
Puntland-News24.