Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey madax ka socota dowladda Federaalka Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta ayaa Muqdisho u yimid ka qaybgalka Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Farmaajo oo haatan ka socota Hoolka Xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni, waxaana sidoo kale soo gaaray madaxwaynayaasha Jabuuti, raysal wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo badan.

Puntland-News24.