“Soomaaliya meel ugama banaana cambaarayn , mucaaradad, aflagaaddo masuuliyiiinta dowladda Soomaaliya iyo hay’adaheeda kale duwan” sidaasi waxaa yiri madaxwaynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay xafladda caleema saarka.

‘Soomaaliya waxba kuma soo kordhinayso mucaaradad”
ayuu yiri madaxwayne Xasan Sheekh oo xilka ku wareejiayy madaxwaynaha cusub ee la doortay.

Madaxwaynihii hore ee dowladda faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka sheegay xafladda caleema saarka in muhiimad lasiiyo oo lala shaqeeyo dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa Soomaalida ku amaanay inay yihiin dad dimuqraadiyadda taariikh fiican kuleh, madaxwaynihii kahoreeyey ayuu ku amaanay sida uu xilka ugu wareejiyay , isaguna ku wareejinayo madaxwaynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaao , isagoona ku tilmaamay maanta mid taariikhi ah oo Soomaali ay ku faanayso.

Hoos kadaawo

https://www.youtube.com/watch?v=L57dF4b7Q5E

Puntland-News24.