“Waa nasiib darro bulshadii oo markii hore xoolaha abaarta ay dhaafisay, hadda looga dabayimaado badda , arintaasna waa dabar goyn dhaqaale” ayuu yiri Muuse Cali Jaamac.

Muuse Cali Jaamac oo ka faalooda arimaha Soomaaliya ayaa nasiib darro wayn ku tilmaamay heshiiska Puntland iyo maraakiibta jariifka ee loogu ogolaanayo inay ka kalluumaystaan biyaha Puntland.

Muuse ayaa sheegay masuuliyiinta u ogolaaday maraakiibtan inay badda Puntland ka kalluumaystaan ay yihiin kuwa aan wadaniyad lahayn oo xitaa damiir banii’aadanimo kujirin, isagoona sheegay arrintan inay ka qaadanayaan talaabooyin kale oo ay qareemo ugu qabsanayaan.

Muuse ayaa sheegay wasaaraddda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland iyo kalluumaysatada inuu ka dhaxeeyey heshiis dhigayay haddii maraakiibta ajnabiga ah ay yimaadaan aan loo ogolaan jariif balse kalluunka ay ka iibsadaan kalluumaysatada Puntland si dhaqaalaha wadanka uu ugu soo laabto.

“Dowladdii aan dooranay waxay ay noqotay kuwa jeebkooda kaliya u shaqaysanaya oo bulshadii doortay dahanooda gaarka ah ka hormariyay” ayuu sidoo kale sheegay.

Halkan kadhagayso

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli sideed markab oo nooca jariifka ah ay ku suganyihiin dekedda Bosaaso kuwaasi oo sugaya ruqasado ay ka qaataan wasaaraadda kalluumaysiga Puntland.