Ra’iisulwasaaraha cusub ee dawladda Soomaaliya magacisa oo dhameystiran waa Xasan Cali Kheyre wuxuuna dhashay sannadkii 1968-dii, wuxuuse hadda haystaa dhalashada dalka Norwayd oo mudo dheer ku noolaa.

Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ee Codka Kalsoonida ka sugaya Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in degaan ahaan uu ka soo jeeda Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre Waxa uu heystaa dhalashada Dalka Norway.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre Waxa uu ahaa nin ka shaqeeya Arrimaha Beni aadannimada, Waxa uu Madax ka soo noqday Hay’addaha ka shaqeeya Arrimaha bulshada.

Sidoo kale Waxa uu Madax ka ahaa Qeybta Afrika Shirkadda Som Oil And Gas oo laga Maamulo Dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Magacaaban ayaa ah nin Ganacsato ah, Waxa uu Madax ka ahaa Hay’adda NRC, Waan Nin dhalinyaro ah.

Goobta lagu shaacinayaayay inuu Ra’isal Wasaare yahay Waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale.

Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana muddo bil ah looga fadhiyaa in uu ku soo magacaabo Golaha Wasiirada.

Puntland-News24.